Xamse oo dib ugu laabtay Muqdisho kadib booqashadii Laascaanood

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gebagabeeyey safarkii taariikhiga ahaa ee afartii maalmood ee la soo dhaafay uu ku joogay magaalada laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo isagoo dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Mas’uuliyiin iyo qeybaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa,oo 12–kii bisha safar Taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo nabadda ku gaaray Laascaanood ayaa dhagax dhigay Mashaariic badan oo hormarineed, isaga oo qaar kalena daah-furay, waxaana uu maamulka iyo bulshada degaanka ku bogaadiyey sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Safarkii Nabadda iyo Midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo gebagaboobay si guul ah.

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM