Xamse oo digniin kasoo saarey tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta

Image
Hadalkan ayaa kusoo aaday Munaasibadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee ciribtirka dambiyada aan la isku raacan ee laga galo suxufiyiinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasme Cabdi Barre ayaa Arbacada maanta ah balanqaadey in xukuumadiisu ay ku dadaaleyso in ay sharciga la tiigsato cid kasta oo ku xadgudubta xuquuqda saxafiyiinta.

Hadalka ra'iisul wasaaraha ayaa kusoo beegmaya xilli maanta ay ku beegan tahay "Munaasibadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee ciribtirka dambiyada aan la isku raacan ee laga galo suxufiyiinta".

Sidda ku xusan warbixin kasoo baxdey guddiga CPJ, Soomaaliya ayaa sanadkii sideedaad waxay kaalinta koowaad ka gashay wadamadda aan lala xisaabtamin gacan-ku-dhiigleyaasha wariyeyaasha."

"Maadaama aan xuseyno maalinta Maalinta Caalamiga ah ee ciribtirka dambiyada aan la isku raacan ee laga galo suxufiyiinta, waxaan idiin xaqiijinayaa in damiyada caynkaan ah aysan meel ku lahayn Soomaaliya. Sidaas darteed, si loo sugo xaquuqda ay suxufiyiintu u leeyihiin in ay helaan xogta ay u baahan yihiin, dadka lagu helo in ay ku lug leeyihiin falal lagu beegsanayo warfidiyeenka waxay wajihi doonaan awoodda buuxda ee sharciga," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaare Xamse.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Munaasibadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee ciribtirka dambiyada aan la isku raacan ee laga galo suxufiyiinta awgeed, waxaan rabaa in aan hoosta ka xarriiqo doorka muhiimka ah ee warfidiyeenku ku leeyihiin horumarka qarankeenna. Haddii uusan jirin jawi nabadeed oo ay ku shaqeeyaan suxufiyiintuna, Soomaaliya ma hiigsan karto horumarka ay ku taameyso.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay horumar muuqda ka sameysay hagaajinta xaaladda amni ee suxufiyiinta iyo dadka ka shaqeeya warbaahinta, tiiyoo ay jirto halis kaga imaaneysa kooxaha argagixisada Al-Shabaab oo caadeystey gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Haddaba iyadoo arrintan laga duulayo, xukuumaddeydu waxay si weyn u cambaareynaysaa weerarradii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ka geysteen Zoobbe, 29-kii Oktoobar 2022, ku waas oo salfaday boqollaal Soomaali ah oo aan waxba galabsan, ayna ku jireen 2 wariye oo ruug caddaa ah.

Xukuumaddeyda, oo ka jawaabeysa tusmada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxaa ka go’an in dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya laga sifeeyo halista Al-Shabaab iyo falalka gurracan ee ay geystaan, si loo sugo bedqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan suxufiyiintu, islamarkaana loo xaqiijiyo in ay ku noolaadaan, kuna shaqeystaan jawi nabdoon.

Maadaama aan xuseyno maalinta Maalinta Caalamiga ah ee ciribtirka dambiyada aan la isku raacan ee laga galo suxufiyiinta, waxaan idiin xaqiijinayaa in damiyada caynkaan ah aysan meel ku lahayn Soomaaliya. Sidaas darteed, si loo sugo xaquuqda ay suxufiyiintu u leeyihiin in ay helaan xogta ay u baahan yihiin, dadka lagu helo in ay ku lug leeyihiin falal lagu beegsanayo warfidiyeenka waxay wajihi doonaan awoodda buuxda ee sharciga.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ahmiyad gaar ah u leh horumarinta warbaahin xor ah oo ka hanaqaadda dalka. Si taas loo xaqiijiyana waxaan mudnaan gaar ah siineynaa fulinta Qorshe Hawleedka Q.M. ee Bedqabka Suxufiyiinta. Iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo abuurista jawi nabdoon oo ay warbaahintu ku bulaasho cabsi iyo dareen la’aan”.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM