Xamse oo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed kala shirey difaaca dalka

Image
Kulammadan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa kulammo gaar ah la yeeshay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. 

Kulammadan oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa qeyb ka ah socdaalka Raiisul Wasaaraha ee Baydhabo oo ujeedkiisu yahay xoojinga nabadda, wadajirka Bulshada, iyo horumarinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhinacyada kala duwan ee bulshada ayuu ku dhiirrigeliyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda, difaac Qaranimadda si loo gaaro Soomaaliya nabaddoon oo horumarsan.

Raiisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey doorkooda naf-hurnimo ee dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay xoreynta, horumarinta iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM