Xamse oo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed kala shirey difaaca dalka

Image
Kulammadan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa kulammo gaar ah la yeeshay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. 

Kulammadan oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa qeyb ka ah socdaalka Raiisul Wasaaraha ee Baydhabo oo ujeedkiisu yahay xoojinga nabadda, wadajirka Bulshada, iyo horumarinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhinacyada kala duwan ee bulshada ayuu ku dhiirrigeliyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda, difaac Qaranimadda si loo gaaro Soomaaliya nabaddoon oo horumarsan.

Raiisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey doorkooda naf-hurnimo ee dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay xoreynta, horumarinta iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM