Xamse: Waxaan rajeynayaa in Ciro uu dib soo celiyo wadahadalada

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.

“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha  inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamse ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub laga rajaynayo C ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM