Xamse: Waxaan u baahanahay gurmad inta xaaladu kasii darin

Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu la kulmay wafdi ka socda hay’adda Qatar Foundation.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda Qatar Foundation oo ay ka wada hadleen sidii loogu soo gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar mashaariicda ay ku taageerayso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaare  Xamse ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ballaaran ku yeeshay noloshada dadka iyo duunyada, loona baahan yahay in gurmad deg deg ah loola gaaro dadka inta aysan xaaladda ka sii darin.

Barre ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siinayso gurmadka abaaraha iyo sidii mustaqbalka xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo laalaabta.

Masuuliyiinta ka socday Hay’adda Qatar foundation ayaa tilmaamay in hay’addoodu ay doorkeeda ka qaadan doonto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay Beijing

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:29AM

Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga ka codsatay faragelin milatari oo ka dhan ah Somaliland

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dooneyso inay Somaliland u adeegsato sidii ay u dejin lahayd Falastiiniyiinta.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 07:56AM