Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Soomaaliya oo la casriyeynayo

Image
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa maanta wuxuu kormeeray xaruntan oo ku taalla magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska, ayaa booqday Xarunta Barbaarinta Agoonta Ciidanka Boliiska, halkaas oo uu waqti qaddarin leh kula qaatay carruurta agoonta ah ee waalidkood naftooda u huray u adeegidda qaranka.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta, oo ay ku jiraan iskoolka carruurtu wax ku bartaan, goobaha ay seexdaan, meelaha ay wax ku cunaan, iyo xarumaha ay ku ciyaaraan. Carruurta ayaa sidoo kale soo bandhigay waxyaabihii ay barteen, taas oo muujisay dadaalka iyo horumarka ay sameynayaan.

Taliyaha ayaa ku boorriyay maamulka xarunta iney sii xoojiyaan daryeelka carruurta, isagoo Taliyaha u ballan qaaday in uu dib-u-dhis, ballaarin, iyo casriyeyn lagu sameyn doono xarunta. Sidoo kale, wuxuu carruurta u xaqiijiyay inuu marar badan ku soo booqan doono, si uu waqti ula qaato oo dhiirigelin ugu muujiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM