Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Soomaaliya oo la casriyeynayo

Image
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa maanta wuxuu kormeeray xaruntan oo ku taalla magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska, ayaa booqday Xarunta Barbaarinta Agoonta Ciidanka Boliiska, halkaas oo uu waqti qaddarin leh kula qaatay carruurta agoonta ah ee waalidkood naftooda u huray u adeegidda qaranka.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta, oo ay ku jiraan iskoolka carruurtu wax ku bartaan, goobaha ay seexdaan, meelaha ay wax ku cunaan, iyo xarumaha ay ku ciyaaraan. Carruurta ayaa sidoo kale soo bandhigay waxyaabihii ay barteen, taas oo muujisay dadaalka iyo horumarka ay sameynayaan.

Taliyaha ayaa ku boorriyay maamulka xarunta iney sii xoojiyaan daryeelka carruurta, isagoo Taliyaha u ballan qaaday in uu dib-u-dhis, ballaarin, iyo casriyeyn lagu sameyn doono xarunta. Sidoo kale, wuxuu carruurta u xaqiijiyay inuu marar badan ku soo booqan doono, si uu waqti ula qaato oo dhiirigelin ugu muujiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM