Xasan Daahir Aweys oo weeraray Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xasan Daahir Aweys oo mar kale muuqaal kasoo dhex-duubay xabsi guriga uu ku jiro ayaa weerar afka ah ku qaadey madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo iyo taliyaha sirdoonka, Fahad Yaasiin Daahir.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo ee sanadkan 2021-ka ayuu si gaar ah uga digay in uu isku dayo in uu dalka ka qabto doorashooyin hal dhinac ah iyo in uuu xoog ku xukumo waddanka.

Sidda laga soo xigtay Aweys oo muuqaalka uu iska soo duubay ku baahiyey Facebook, Farmaajo waa in uu ku waano-qaato qaabkii xukunka looga riday Maxamed Siyaad Barre iyo taariikhda ka dambeysay "halgankaas".

"War ninyahow waxaa kula talinayaa kiiskan haku ceeboobin, sharciyad waa ka dhamaatay, wax kale kuu diyaar malahan, haddaad damacdo in aad xoogtid, dadkaan waa dadkaas dhagaha fur Farmaajo, labo meel ayaa ka tusayaa, mid waxa weeye dadka hadda kaa soo horjeeda waa dadkii Maxamed Siyaad Barre, markii awoodda heystay oo xukun adag heystay waa nimankii meesha ka saaray, waa kuwee, Hawiye, Daarood oo aad ka dhalatay, meeshaan haku ceeboobin ummadda balaayo ha u soo jeedin, si quman ku joog, ama si quman uga bax, dalkaan halis ayuu galayaa haddii fidno ay dhacdo," ayuu si furan uga dhawaajiyey.

Xilli uu Fahad Yaasiin ku sifeeyay maskaxda ka damnbeysa qorshahaas, u adeegsiga ciidamadda in uu ku beegsado siyaasiyiinta kasoo horjeeda iyo in uu ku goobo damaciisa siyaasadeed ee shaqsiga ah ayuu si gaar ah uga digay Farmaajo.

"Mid kale waa ku sheegi lahaa, wiilkaan ha iga loogin (Fahad) waxbuu igu fadhiyaa waxa sheegayaa Fahad. Axmed Salebaan Dafle kamana ciidan badna, kama tol badna," ayuu intaas ku daray Aweys oo ku xiran xarunta NISA ee Muqdisho.

Hadalka Xasan Daahir Aweys ayaa kusoo aadaya iyaddoo heer-kulka siyaasadeed, kala shakiga iyo is-aaminaad la’aanta daneeyeyaasha ama saamileyda uu sarreeyo ayna ka dhalatay talaabooyinka halka dhinac ah Madaxtooyadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM