Xasan iyo Ruto oo "fulinaya" heshiiskii Jaadka iyo Kaluunka

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa isku-dayday in ay qariso is-fahamka lambada hogaamiye.

NAIROBI, Kenya - Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, Hassan Sheikh Mohamud iyo William Samoei Ruto, ayaa Arbacada maanta ah waxay ku kulmeen Madaxtooyadda magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Ruto ayaa shaaciyey in uu Xasan kala hadlay arrimo ay kamid yihiin ammaanka, ganacsiga — oo ay ku jirto fulinta heshiiskii is-dhaafsiga Jaadka iyo Kaluunka — iyo isku-socodka labada dal.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sidda looga bartey isku-dayday in ay bulshadda ka marin habaabiso natiijadda wadahadalkii Hassan Sheikh iyo William Ruto.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in ay labada hogaamiye isla-qaateen "xoojinta iskaashiga dhanka ammaanka iyo ganacsiga". Tani waa isku-day ay Madaxtooyada ku qarineyso qodobka la xiriira Jaadka iyo Kaluunka.

Xasan Sheekh ayaa heshiiska is-dhaafsiga Jaadka iyo Kaluunka wuxuu la saxiixdey Uhuru Kenyatta booqashadiisii ugu horeysay oo uu ku tagay Nairobi kahor inta aysan Kenya ka dhici doorashadda 9-kii August, 2022.

Sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah ee Kenya, ganacsatadda Jaadka Kenya ayaa Soomaaliya u soo dhoofiyey shixnado maandooriyahan ah oo lagu qiimeeyay in ka badan 2 milyan saddexdii bil ugu dambeysay.

Soomaaliya ayaa illaa haatan waxaan lasoo warin wax Kaluun ah oo ay u iib-geysay ama u dhoofisay Kenya. Tani waxay ka dhigan tahay in uusan jirin wax faa'iido ah oo Muqdisho ay ka sameysay heshiiskan ay gashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM