Xasan Sheekh: Al-Shabaab waa maafiyo isku-qarinaysa Islaamka

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey CNN ku fahfaahiyey qorshihiisa cusub ee ciribtirka "argagixisadda".

WASHINGTON, United States - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maleyshiyaadka Al-Shabaab wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin "koox maafiyo isku-qarinaya magaca diinta Islaamka".

Xasan oo wareysi siiyey telefishinka fadhigiisu yahay Mareykanka ee CNN ayaa ku nuux-nuux-sadey in dowladiisu ay xoogga saareyso sidii "arxaan-laawayaashan" ugala dagaalami lahayd saddex jiho.

"Waxaan balaarinay furimaha dagaalka ee ka dhanka ah argagixisadda Al-Shabaab. Waxaan ku kordhinay dagaal ka dhanka dhaqaalaha iyo mid dhanka fekerka ah," ayuu ku nuux-nuux-sadey.

Saaxiibadda caalamiga ah ayuu ku tartarsiiyey in ay kala shaqeeyaan dowladiisa sidii ay kula shaqeyn lahaayeen siyaasadda cusub ee maamulkiisa doonayo in uu kusoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Al-Shabaab waxay sheegtaan Muslimiin balse xaqiiqaddu waxay tahay in aysan Islaam ahayn; waa koox maafiyo ah oo isku-qarinaya Islaamka waana in aan kashifnaa arrintaas," ayuu carabka ku adkeeyay.

Maamulkiisa ayuu daaha ka rogay in uu hirgeliyey qorsheyaal cad-cad oo ay kamid tahay xoojinta dagaalka dhanka warbaahinta ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyadda oo la adeegsanayo culimadda iyo dadka caanka ah.

"Waxaan u baahanahay in aan shacabka Soomaaliyeed u muujino in Al-Shabaab aysan wax lug ah ku lahayn diinta Islaamka waxaana hirgelinay qorsheyaal aan arrintaas wax uga qabanayno," ayuu tibaaxay.

Al-Shabaab ayaa ah halista ugu weyn ee ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya. Maamulka cusub ee Xasan Sheekh wuxuu balanqaadey in uu kusoo afjarayo sanadka ugu horeeya balse maka dhameyn doonaa wacadkaas?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM