Xasan Sheekh: Gaabiska dowlada ayaa fursad siiyey argagixisada

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qiray in dowladda ay gabtey kaalinteeda ka hortagga marin-habaabinta diinta ee Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb-galay xiritaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Culuumta Shareecadda Islaamiga ah oo maanta lagu soo gabagabeeyey Muqdisho.

Kulankan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socdey magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay culummo iyo aqoonyahan ka socday gobollada dalka iyo dalalka Caalamka.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan maadama dalkeennu uu dagaal kula jiro fikirka xagjirnimada ah iyo argagixisada magaca diinta Islaamka ku gumaadeysa shacabka Soomaaliyeed.

Culimada Soomaaliyeed ayuu ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna.

"Waxa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin waa diinteenna suubban ee Islaamka. Dowladda oo gaabisay dowrkeeda ku aaddan diinta ayaa sabab u noqotay in argagixisadu ay ka faa'iideystaan oo si khaldan ugu maran habaabiyaan dadka," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Maanta waxaa naga go’an in aan fasiraddaas khaldan meesha ka saarno, dhaqankeenna bulsho iyo dowladnimo aan ku ilaalinno diinteenna suubban ee Islaamka".

Dowladda Xasan Sheekh ayaa wacad ku martey inay Al-Shabaab kula dagaalameyso siyaasad saddex waji leh taasoo kala ah; dagaal dhanka milatariga ah, guluf dhanka maaliyadda ah iyo olole dhanka caqiiqadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM