Xasan Sheekh iyo Blinken oo ka shiray taakulada Maraykanka

Image
Maraykanka ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhismaha ciidanka, dhaqaalaha siyaasada iyo dagaalkanka argagixisada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken ayaa waxay ku wadahadleen khadka isgaarsiinta ay shaaciyeen madaxtooyada Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka.

Antony J. Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanku ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya isaga oo u muujiyay garab istaaga Maraykanka ee wadankaan ku yaalla geeska qaarada Afrika.

Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price, labada masuul ayaa ka wadahadlay danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Maraykanka iyo sida Soomaaliya looga taageerayo jidka ay u hayso dhinaca dimuqraadiyadda iyo xasiloonida."

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Ned Price oo sharraxaad ka bixinaya qodobada ay ka wadahadleen xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri "Waxa ay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed, horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, iyo dib u habeynta dhaqaalaha, ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada deyn cafinta ee Soomaaliya."

Wuxuuna Ned Price hadalkiisa sii raaciyey "Isagoo [xoghaye Blinken] xusaya go’aankii dhawaan Madaxweyne Biden uu ku sheegay in si joogto ah Soomaaliya dib loogu celiyo ciidamada Maraykanka, xoghayuhu wuxuu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya taageerada joogtada ah ee Maraykanka ee dadaalka ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika ugu jiraan la dagaalanka khatarta kooxaha argagixisada ah."

Villa Soomaaliya ayaa dhankeeda baahisay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu  dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay #Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ku celiyay sida ay dowladiisa uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka kala dhexeeya Maraykanka.

Maraykanka ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhismaha ciidanka, dhaqaalaha siyaasada iyo dagaalkanka Argagixisada iyo qodobo kale oo muhiim u ah dalkaan ku yaalla geeska Qaarada Afrika ee ay dagaaladu hala keeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM