Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo ka shiray kiiska askarta Eritrea

Image
Garowe Online ma xaqiijin karo in labada mas'uul ay isku aragti ka noqdeen maareynta qadiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii markiisii sddexaad la shiray Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ka dalbaday in uu ku soo wareejiyo documintiyo ku saabsan dhalinyaradii la sheegay in tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

"Kulankii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa diiradda lagu saaray arrimo xasaasi oo dalka ka dhacay intii uu xukunka joogay Farmaajo sida dhalintii loo qaaday dalka Eritrea," sidaas waxaa Garowe Online u sheegay sargaal ka qayb galay kulanka oo diiday in aan magaciisa xigano.

Sargaalka ayaa cadeeyay in Xasan Sheekh uu Farmaajo hor dhigay weydiimo ku aadan hanaanka ay ku maqan yihiin dhalinyaradii la sheegay in tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, xilliga lagu heshiiyey in dalka lagu soo celiyo iyo documentiyada heshiiskii lagu qaaday.

Sidoo kale arrimaha xasaasiga ah ee Xasan Sheekh uu shalay Farmaajo kala hadlay waxaa ka mid ah, sida laga yeelayo dembiyadii dalka ka dhacay iyo qaabka loola xisaabtami karo dadka ku eedeysan "maadaama Xasan Sheekh laga dalbaday in uu cadaaladda horkeeno kuwa ku lugta leh tacadiyadii dalka ka dhacay 5 sano ee la soo dhaafay".

Garowe Online ma xaqiijin karto in Farmaajo iyo Xasan Sheekh ay isla meel dhigeen talaabooyinka loo qaadayo qadiyada dhalinyarada loo qaaday dalka Eritrea balse waxa ay isku raaceen in bari oo Isniin ah Farmaajo xilka wareejiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dalka uu deg deg ugu soo celi doono dhalinaradaas ku maqan Eritrea, hadii loo doorto xukunka, waxaana durba waalidiinta Soomaaliyeed ka soo yeeray codsiyo Xasan Sheekh looga dalbanayo inuu fuliyo balan-qaadkaas oo wiilashoodii uu dalka ku soo celiyo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dhalinyaradaas oo laga soo uruuriyey dhamaan gobollada dalka waxaa la isugu keenay Muqdisho oo diyaarado looga daabulay, waxaa la sheegay in tababar loo geeyey dalka Eritrea.

Tirada dhalinyaradaan waxaa lagu qiyaasay 7 kun, waxaana lagu siray in tababar iyo shaqo ciidan loo geynayo dalka Qatar, balse loo dhigay Eritrea, ilaa hadana lama yaqaan xaaladda ay ku sugan yihiin iyada oo ay jiraan shakiyo ku saabsan in ay ka qayb galeen colaada Itoobiya.

Madaxweynaha xilka ka dagaya Farmaajo iyo Fahad Yaasiin (Milkiilaha maamulkii Farmaajo), ayaa galay dhowr heshiis oo qarsoodi ah iyaga oo isbahaysi amni lagalay Itoobiya iyo Eritrea oo aysan ka jirin xasalooni siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM