Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Image

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa oggolaaday dirista hub iyo sahay ciidan oo habeenkii xalay la geeyay magaalada Laascaanood, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog ogaal ah. Tallaabadan ayaa laga digay inay abuurto colaad xili Villa Somalia taageerayso shir lagu wado in lagu dhiso SSC-Khaatumo, kaas oo Muqdisho laga soo qorsheeyay.

Dirista hubka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo khilaaf xooggan uu ka taagan yahay gobolka kadib markii maamulka Puntland uu hor istaagay shir kale oo uu doonayay inuu qabto guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaas oo tegay degmada Ceelbuh isaga oo ay wehlinayeen malleeshiyo hubeysan. Cabdirashiid ayaa qorsheynayay inuu keeno ergayaal u socday isla shirka Khaatumo ee ka dhacaya Laascaanood.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa si adag uga hor yimid taageerada dowladda Federaalka ay siineyso shirka Laascaanood iyo dirista hubka, iyaga oo ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay faragelin toos ah ku hayso arrimaha gudaha ee Puntland, ayna jebinayso mabaa'diida Federaalka ee ku qoran Dastuurka KMG ah ee dalka.

“Tani waa tallaabo wax u dhimaysa kalsoonida siyaasadeed, waxayna khatar gelin kartaa xasiloonida gobolka Sool,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha la hadlay Garowe Onlin, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka, xilli weli lagu muransan yahay hannaanka awood qeybsiga, dhismaha dowlad-goboleedyada iyo dib-u-eegista Dastuurka.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ka digaya in dirista hubkan iyo taageerada la siiyay shirarka Khaatumo ay sababi karto iska horimaadyo hor leh haddii aan si wadajir ah loogu wajahin wadahadal iyo heshiis ku saleysan matalaad dhab ah iyo rabitaanka dadka deegaanka.

Dowladda Federaalka weli kama aysan bixin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan hubka la geeyay Laascaanood ama taageerada ay siineyso dhismaha maamulka Khaatumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM