Xasan Sheekh: Kaalinta mufakiriinta mar walba wana tabaynay

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaasi oo maanta Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib.

Madaxweyne Xasan ayaa dul-istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed.

“Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”.

Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas'uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM