Xasan Sheekh: Mareykanku waa saaxiib istiraatiji u ah Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay kadib la kulanka dhigiisa Joe Biden.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka, Joe Biden.

Xasan Sheekh ayaa Mareykanka wuxuu u tagay ka qeybgalka shirka 77aad ee golaha loo-dhan-yahay ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa halkaasoo uu ka hadlay.

Sida laga soo xigtey Villa Soomaaliya, madaxweynaha ayaa "ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah," ayay raacisay.

Dhankiisa, Xasan Sheekh oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka qaadey "in ay sharaf u tahay in uu casuumay madaxweynaha Mareykanka".

"Mareykanku waa saaxiib istiraatijiyadeed oo u ah Soomaaliya xasiloonideeda iyo horumarkeeda, kaasoo aan ka rajeyneyno inaan sii wanaajino xiriirka laba geesoodka ah si aan u horumarino nabadda gobolka," ayuu xusay.

In ka badan 300 askar Ameerikaan ah ayaa u joogta Soomaaliya la dagaalanka maleyshiyaadka Al-Shabaab. Duqeymo ayay ku beegsadaan furimaha argagixisadda halka ay tababaraan ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM