Xasan Sheekh: Mashaariic waaweyn oo qaarkiin been waaye dhihi doonan ayaa soo socda

Image
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay kulan dood fara badan dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay Munaasabadda sannadlaha ah ee bandhigga waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha waxa uu bogaadiyey waxqabadka Xukuumadda iyo sida ay uga go’an tahay in ay xaqiijiso himmilooyinka dadka Soomaaliyeed ee xoreynta deegaannada ku jiray gacanta argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta maalgashiga iyo dib u habaynta dowladnimada.

”Xukuumadda DanQaran wixii ay qabatay labadii sano ee la soo dhaafay, waa sadar muuqda su’aal ka dhan, indhaheenna ayaan ku aragnay, guulaha la gaaray wadajir, wada-shaqeyn iyo midnimaa ayaa lagu gaaray”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dalka uu ku tallaabsanayo isbeddello horumarineed oo muddo dhow la dareemayo, kuwaas oo ay saldhig u tahay dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda iyo wadashaqaynta Hay'adaha dowladda.

"Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanaan doonaan labadii la soo dhaafay, Mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa waana ballan qaadeynaa taas”.

Inta ay socotay Munaasabaddu, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhagaystay Wasiirrada Golaha Xukuumadda, kuwaas oo soo bandhigay horumarrada la taaban karo ee ay ku tallaabsadeen muddadii ay xilka hayeen. Wasiirradu waxay si faahfaahsan uga hadleen guulaha la gaaray iyo qorsheyaasha hortabinta leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM