Xasan Sheekh Maxamuud oo laga hela Covid-19

Image
Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha ayaa "ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah," sida ay sheegtay Villa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcadda maanta ah waxaa laga helay COVID-19, sidda lagu xaqiijiyey qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa "ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19," ayay raacisay.

"Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19".

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU DHANKIISA SOO SAAREY

Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19.

Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.

Waad ku mahadsantihiin ducadiinna iyo garab-istaaggiinna. Allaa mahad leh.


Todobaadkii lasoo dhaafay ayay baraha bulshadda ay hareeyeen warbixino ku saabsan in wafdiga madaxweynaha ee Imaaraadka qeybtooda laga helay Covid-19 taasoo kordhisay maalmaha socdaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun sirdoon

In ka badan 50 dagaalyahan ayaa si xun u dhaawacmay, wasaaraddu waxay sheegtay.

  • Soomaliya

    14-09-2025

  • 08:40PM

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM