Xasan Sheekh Maxamuud oo markii todobaad u socdaalay Eritrea

Image
Muqdisho, Qaahira iyo Asmara ayaa lagu waramay in ay dhisayaan isbaheysi ka dhan ah Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u dhoofay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in Asmara uu ka dhici doono wadahadal qarsoodi ah oo saddex geesood ayna qeyb ka tahay dowladda Masar ka dhici doonan.

Dhinaca kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtay in Xasan Sheekh uu wadahadal la yeelan doono dhigiisa Eritrea balse masoo hadal-qaadin kulanka saddex geesoodka.

"Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea," ayay tiri Madaxtooyadda.

"Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan arimaha geeska Afrika," ayaa lagu yiri bayaanka.

"Wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa safarka ku wehliyo wasiirka arimaha dibadda mudane Axmed Macalin Fiqi," ayaa la caddeeyay.

Muqdisho, Qaahira iyo Asmara ayaa lagu waramay in ay dhisayaan isbaheysi ka dhan ah Itoobiya.

Talaabadan waxay dad badan soo xasuusisay isbaheysigii ay horey u sameysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea kaasoo markii dambe si degdeg ah u fashilmay.

Waa booqashadii todobaad ee madaxweynuhu Eritrea ku tagayo 24-kii bilood ee u dambeeyey, isagoo horey u sheegay in aysan Soomaaliya waxba tarin Istaraajina aheyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM