Xasan Sheekh Maxamuud oo markii todobaad u socdaalay Eritrea

Image
Muqdisho, Qaahira iyo Asmara ayaa lagu waramay in ay dhisayaan isbaheysi ka dhan ah Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u dhoofay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in Asmara uu ka dhici doono wadahadal qarsoodi ah oo saddex geesood ayna qeyb ka tahay dowladda Masar ka dhici doonan.

Dhinaca kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtay in Xasan Sheekh uu wadahadal la yeelan doono dhigiisa Eritrea balse masoo hadal-qaadin kulanka saddex geesoodka.

"Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea," ayay tiri Madaxtooyadda.

"Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan arimaha geeska Afrika," ayaa lagu yiri bayaanka.

"Wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa safarka ku wehliyo wasiirka arimaha dibadda mudane Axmed Macalin Fiqi," ayaa la caddeeyay.

Muqdisho, Qaahira iyo Asmara ayaa lagu waramay in ay dhisayaan isbaheysi ka dhan ah Itoobiya.

Talaabadan waxay dad badan soo xasuusisay isbaheysigii ay horey u sameysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea kaasoo markii dambe si degdeg ah u fashilmay.

Waa booqashadii todobaad ee madaxweynuhu Eritrea ku tagayo 24-kii bilood ee u dambeeyey, isagoo horey u sheegay in aysan Soomaaliya waxba tarin Istaraajina aheyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM