Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay
Dhuusamareeb – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii si adag u dhaliilay mucaaradka dalka, isaga oo ku eedeeyay inay ka maqan tahay aragti mideysan oo ku wajahan horumarinta dalka, islamarkaana siyaasadda kala qaybsan ay wiiqi karto dib-u-habeynta muhiimka ah ee socda.
Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mucaaradka maanta uu aad uga duwan yahay midkii uu qeybta ka ahaa sanadkii 2022, xilligaasoo uu sheegay inay jireen isku duubni iyo hadaf mideysan.
“Mucaaradkii aan ka tirsanaa sanadkii 2022 iyo mucaaradka maanta jira waa laba wax oo kala duwan,” ayuu yiri madaxweynuhu. “Ma jiro hal aragti mideysan. Qof walba dhiniciisa ayuu u socda, taasna horumar laguma gaarayo.”
Hadalkan madaxweynaha ayaa imanaya kadib markii afar wareeg oo wadahadallo ah oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo isbaheysiga mucaaradka ee loo yaqaan Madasha Badbaado Qaran ay ku dhammaadeen is-mariwaa, taas oo muujineysa khilaafka siyaasadeed ee weli jira.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mar kale ku celiyay ballanqaadkiisii ololaha doorashada ee 2022, oo ahaa in la dhammeystiro dastuurka qabyo-qoraalka ah, islamarkaana dalka loo gudbiyo nidaamka hal qof, hal cod.
“Waa in aan ka gudubnaa caqabadaha jira, sida dhameystirka dastuurka iyo in shacabka dib loogu celiyo awoodda dalkooda,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in dalka laga gudbiyo siyaasadda ku dhisan shakhsiyaadka iyo dano gaar ah, loona gudbo nidaam xisbiyo siyaasadeed oo leh mabda’ iyo aragti cad. “Waa in aan ka tagnaa siyaasadda ku saleysan shaqsiyaadka oo keliya, lana dhisaa xisbiya siyaasadeed oo ku saleysan mabda’ iyo himilo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isaga oo xusay in nidaam noocaas ah uu horseedi karo isbeddel waara oo siyaasadeed iyo mid bulsho.
Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale Madasha Badbaado Qaran, ayaa si adag uga soo horjeestay hannaanka doorasho ee dowladda dhexe wado, iyaga oo ku eedeeyay Muqdisho inay kaligeed ku socoto go’aan qaadasho aan lagu heshiin.
Tani waxay sii fogeysay kalsoonidii u dhaxeysay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaarkood, taas oo halis gelin karta horumarka laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo qaran.
GAROWE ONLINE