Xasan Sheekh oo $1.5 million ku bixiyay Shirka Switzerland

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galaya Shirka Sanadlaha ah ee Golaha Dhaqaalaha Adduunka (WEF), oo ka furmay 20-ka bishan magaalada Davos ee dalka Switzerland, kaasoo soconaya ilaa 23-ka.

Safarkani ayaa dhalisay caro iyo dhaliilo bulsho, iyadoo macluumaadka uu helay Garowe Online ay muujinayaan in wafdiga Soomaaliya uu kharash gareyn doono ilaa $1.5 milyan inta uu ku guda jiro shirka 3da maalmood soconaya.

Kharashaadka:

Hoyga/hotel: Madaxweynaha wuxuu degi doonaa Hotel-ka Wilson, oo qiimiisa habeenkii uu yahay $81,000. Afar maalmood ayaa joogi doonaa, waxaana xisaabta ku baxaysa ay noqonaysaa wadarta $324,000.

Wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan wafdiga 21-ka xubnood ka kooban, ayaa sidoo kale degi doona hotel Five-Star ah, iyadoo la kireeyay Gaadiidka VIP-da oo lagu qaadayo Madaxweynaha, taas oo sii kordhinaysa kharashka guud.

Xili Madaxweynaha Soomaaliya ay ku bixinayo $1.5 milyan safarkan, dalal badan oo dhaqaale ahaan sareeya, oo ay ku jiraan dalalka reer galbeedka ee dakhliga sare leh, ayaa soo diray wafdiyo heer hoose ah sida agaasimayaal si ay u yareeyaan kharashka.

Kharashka xad-dhaafka ah ayaa dhalisay dhaliilo, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu faqiirsan adduunka, isla markaana wajahaya caqabado dhaqaale, kuna tiirsan tahay deeqaha caalamka. Shacabka ayaa su'aalo ka keenaya sababta loo isticmaali karo kharash intaas la eg, oo canshuurta dadweynaha ah.

Kharashka safarada joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sababay walaac ku saabsan mas'uuliyad xumida iyo isla-xisaabtan la'aanta ka jira dalka, iyadoo lacagtaasi loo adeegsan karo in wax looga qabto dhibaatooyinka gudaha.

Madaxweynaha dhawaan ayuu kasoo laabtay safar uu ku tagey Uganda, Eritrea, Jabuuti iyo Itoobiya, oo ku lumiyay malaayiin dollar diyaarado la kireeyay, hotel iyo gaadiid VIP ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM