Xasan Sheekh oo $1.5 million ku bixiyay Shirka Switzerland

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galaya Shirka Sanadlaha ah ee Golaha Dhaqaalaha Adduunka (WEF), oo ka furmay 20-ka bishan magaalada Davos ee dalka Switzerland, kaasoo soconaya ilaa 23-ka.

Safarkani ayaa dhalisay caro iyo dhaliilo bulsho, iyadoo macluumaadka uu helay Garowe Online ay muujinayaan in wafdiga Soomaaliya uu kharash gareyn doono ilaa $1.5 milyan inta uu ku guda jiro shirka 3da maalmood soconaya.

Kharashaadka:

Hoyga/hotel: Madaxweynaha wuxuu degi doonaa Hotel-ka Wilson, oo qiimiisa habeenkii uu yahay $81,000. Afar maalmood ayaa joogi doonaa, waxaana xisaabta ku baxaysa ay noqonaysaa wadarta $324,000.

Wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan wafdiga 21-ka xubnood ka kooban, ayaa sidoo kale degi doona hotel Five-Star ah, iyadoo la kireeyay Gaadiidka VIP-da oo lagu qaadayo Madaxweynaha, taas oo sii kordhinaysa kharashka guud.

Xili Madaxweynaha Soomaaliya ay ku bixinayo $1.5 milyan safarkan, dalal badan oo dhaqaale ahaan sareeya, oo ay ku jiraan dalalka reer galbeedka ee dakhliga sare leh, ayaa soo diray wafdiyo heer hoose ah sida agaasimayaal si ay u yareeyaan kharashka.

Kharashka xad-dhaafka ah ayaa dhalisay dhaliilo, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu faqiirsan adduunka, isla markaana wajahaya caqabado dhaqaale, kuna tiirsan tahay deeqaha caalamka. Shacabka ayaa su'aalo ka keenaya sababta loo isticmaali karo kharash intaas la eg, oo canshuurta dadweynaha ah.

Kharashka safarada joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sababay walaac ku saabsan mas'uuliyad xumida iyo isla-xisaabtan la'aanta ka jira dalka, iyadoo lacagtaasi loo adeegsan karo in wax looga qabto dhibaatooyinka gudaha.

Madaxweynaha dhawaan ayuu kasoo laabtay safar uu ku tagey Uganda, Eritrea, Jabuuti iyo Itoobiya, oo ku lumiyay malaayiin dollar diyaarado la kireeyay, hotel iyo gaadiid VIP ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM