Xasan Sheekh oo baaq u diray maalgashatada caalamiga ah

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika oo ka qabsoomay Berlin.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna iyo dadaallada dowladda ee horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah oo aasaas u ah kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalida isbedelka cimilada iyo amni darrada, isagoo bogaadiyay shirkan oo diiradda saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal-gashadayaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay ku guulaystay qorsheyaal isbeddel dhaqaale iyo diyaarinta sharciyada dhowrista maal-gashadayaasha, iyadoo hiigsaneysa in la xoojiyo kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehelinayey Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso maalgashideyaasha caalamiga ah, isla markaasna ay heleyaan shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM