Xasan Sheekh oo balanqaad u sameeyay maamulka Somaliland

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda 1-da Luulyo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay xuska sannad guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka gumeystihii Talyaaniga iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa dul istaagay mudnaanta uu siinayo xaqiijinta Soomaali heshiis ah. 

Xasan ayaa xusay in dhibaatooyinka curyaamiyey dowladnimadda Soomaaliyeed, tan iyo xornimadii kaddib, ay ugu horreyso qalbi jabka iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka soo gaartay dowladdooda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhayo dhibaatooyinkii dhacay, dowladduna ay mudnaan siineyso heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo xal u helidda tabashooyinka jira.

“Dhibaatadii dhacday dalkan, muddadii xoriyadda la qaatay kaddib waa dheerayd, waa faro badneyd, laakiin kuwii ugu xanuun ka badnaa waxaa ka mid ah dhibkii waqooyi ka dhacay, waana waxa ilaa maanta dhowr iyo soddon sano kaddib wali aanu la tacaaleyno oo aan u la’ nahay xal waara. Kalsoonidii barigaa jabtay, dhaawicii gaaray kalsoonida dhex taallay shacabka Soomaaliyeed in aan ka soo kabanno waxay sii maraysaa dhowr iyo soddon sano. Khibradda ugu fiican ee aan taas ka baran karnana waa in qalbiga dadka Soomaaliyeed la ilaaliyo, dhawacna aan loo geysan.”

Maxamuud ayaa tilmaamay in xornimada dalkeenna loo soo maray halgan dheer, kaas oo sababay in 26-Juun ee sanadkii 1960-kii ay noqoto magaalada Hargaysa goobtii ugu horreysay oo laga taago calan Soomaaliyeed oo xor ah, ayna tahay maalintaasi maalinta xoriyadda, halka 1-da Luulyo ay ku astaysan tahay Maalinta midnimada.

“26-ka Juun waxa ay taariikhda dalkeenna ku gashay in ay tahay maalinta ugu horreysay calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciid Soomaaliyeed. Maalinta dhabta ah ee la dhihi karo maalinta xoriyaddana waa maalintaas. 1-da July-na waa maalintii midnimada oo ay Labada qeybood ee Soomaaliyeed ee la qeybiyey ay sameeyeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Maamulka Somaliland ayuu u balanqaadey in loo sameynayo wax kasta oo ay kusoo laaban karto kalsoonida ay ku qabi karaan dowlad Soomaaliyeed oo ku timaada is-faham.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dalka ay ka jirto xaallad adag oo ka dhalatay saameynta abaaraha, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso gurmadka abaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM