Xasan Sheekh oo billaabey inuu xiriir la sameeyo Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka difaaca Soomaaliya C/qaadir Maxamed Buur ayaa shaaciyay inay dowladda billowday xiriir inay la sameyso Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kadib guul-darro kasoo wajahday isku-daygii qabashadda Kismaayo, oo Ciidankii loo diyaariyay lagu jebiyay Raaskambooni bishii hore.

"Jubaland waa lagu maqan yahay, dad baa loo diray," ayuu yiri wasiirka oo sidoo kale sheegay inay Puntland iyadana raadinteeda lagu maqan yahay.

Hadalka Wasiirka ayaa ah mid kusoo aadaya xili khilaaf xooggan oo siyaasadeed ka jiro dalka, kaasoo sababay inay meesha ka baxdo wadashaqeynta arrimaha dib u dhiska dalka ee u dhaxaysay dowladda Soomaaliya iyo labada maamul ee kala ah Jubaland iyo Puntland.

Ma jiro war rasmi ah oo dowladda kasoo baxay oo xaqiijinaya wadahadalka uu sheegay wasiir inay kula jirto Jubaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeya inay rabto nidaam doorasho oo aan heshiis ku ahayn saamilayda siyaasadda ay ka fuliso dalka, oo amnigiisa gacan ku jirin, islamarkaana kala qeybsan yahay, oo degaanno badan ay Al-Shabaab maamusho.

Dowladda waxay dhawaan isku dayday inay u diido Axmed Madoobe qabashadda doorashadda dadban ee Jubaland, taasoo Kismaayo ka dhacday xili ay socdaan isku-dayo lagu hor istaagayo iyo shirqoolo laga soo maleegay Muqdisho oo la doonayay in awood Ciidan la adeegsado.

Jubaland ayaa cashar ugu dhigtay Raaskambooni dowladda Xasan Sheekh, kaasoo laga bartay inaan awood lagu maquunin karin Maamulada ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM