Xasan Sheekh oo biyo qabow ku shubay xiisad ka jirtay KGS

Image
Hadalkan ayaa ku soo aadayo iyada oo maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey mooshin.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay cabsida laga qabo in abaabul ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya laga sameeyo Muqdisho, ama ay dowladdiisa ku lug yeelato.

Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyey munaasabad loogu sameeyey oo ka dhacday Baydhaba ayaa soo hadal qaaday ‘abaabulka’ la sheegay in looga soo horjeedo Lafta Gareen ee ka socda Muqdisho, wuxuuna cad u beeniyey arrintaasi,

Xasan Sheekh oo ku ololeeyay “Soomaali heshiis ah dunidana la heshiis ah” ayaa Baydhabo ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay xageeda ka jirto nabad iyo saaxibtinimo.

 “Waxaan rabaa dadka reer Koonfur Galbeed, dowladda federaalka xageeda nabadaa idin ka jirto, saaxibtinimaa idin ka jirto, mas’uuliyad iyo dadkii idin ka aad xilka u dhiibateen si toosan iyo si dadban oo aad idinka wakiilateen ayaa idinka jiro,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Shar, colaad iyo abaabul qaab daran idin kama jiraan xaggaas.” Ayuu mar kale cadeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqashadihii ugu horaysay ku tagay Baydhabo.

 “Waxaan idin ka codsaneynaa, idin ku adkeyneynaa dhexdiinana inaad sidaas oo kale aad ka dhigtaan, haddii Alle yiraah,” ayuu markale yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey ‘Mooshin’ la sheegay in siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho, taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed oo horleh.

Laftagareen ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee sida u dhow u taageersanaa Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wada shaqaynta madaxda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka waa ixtixaan horyaal dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama Farmaajo mudo xileedkiisu dhamaaday iyada oo aan wax wada shaqayn ah ka dhexayn Villa Soomaaliya iyo maamulada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM