Xasan Sheekh oo bogaadiyey shacabka Baxdo kadib dagaalkii Al-Shabaab

Image
Madaxweynaha ayaa talaabadda dadweynaha degaanka ku sifeeyay "geesinimo iyo naf-hurnimo".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen argagixisada Alshabaab oo saaka weerar bahalnimo ah ku soo qaaday deegaankaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee Bulshada Baxdo iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarsiiyeen argagixisada soo weerartay ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kalena waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu  soo gaartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM