Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Shabeellaha Dhexe

Image

CADALE, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa diyaarad helicopter ah ku tagey Maanta deegaanka Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo kasoo duulay Muqdisho oo shalay ku qaabiley wafdi uu hogaaminayay wasiiru dowlaha Imaaraatka Carabta Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan.

Xasan Sheekh ayaa Cadale kula leh kulamo Saraakiisha hogaaminaysa Ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabaab, iyadoo arinta ugu wayn uu kala hadlayo ay tahay inaan laga soo bixin deegaanadii horey loo xoreeyay oo hadda kooxda weeraro joogto ah ku hayso.

Xasan Sheekh oo la isku dayay in lagu dilo qarixii Ceel-Gaabta Talaadadii lasoo dhaafay ayaa shalay Muqdisho kusoo laabtay, sii uu ula kulmo wafdiga Imaaraatka, isagoo horey u booqday Aadan Yabaal iyo Moqokori, oo kamid ah jiidaha hore ee dagaalka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada, iyadoo diiradda saaraysa deegaanada ku dhaw Caasimadda, Muqdisho, waxayna saakay gudaha u gashay Sabiid iyo Caanoole, oo 40Km dhanka galbeed uga beegan magaaladda Muqdisho.

Kooxda waxay bishan weerartay deegaanno kale oo gobolka Shabeellaha Dhexe ku yaalla, si ay ugala wareegto Ciidamada dowladda Soomaaliya, waxayna dishay Saraakiil dhowr ah iyo askar badan.

Weerar hoobiye ayay shalay Al-Shabaab ku qaadey Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xerada Xalane oo ay degan yihiin Ciidamada Midowga Afrika, Qaramada Midoobey iyo Safaaradaha reer galbeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garaad Jaamac oo ka digay in Khilaafka Soomaalida uu fursad u noqdo Israel 

Hadalkan ayaa uu ka jeediyay munaasabad dhaqameed ka dhacday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, Puntland.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 01:44PM

Galdogob oo Sanado Kaddib Kulmisay Madaxda Puntland iyo Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda kula fadhiistay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 12:29PM