Xasan Sheekh oo fulinaya oraahdiisii “nin ilmo ka dhalaya xaas uu furay”

Image
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa mar kale muddo kororsi siiyay dowlad goboleedyada koonfurta dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale waxa uu muddo kordhin hal sano ah siiyey hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda.

Go’aankan wuxuu qeyb ka yahay qodobada kasoo bixi doona shirka Villa Soomaaliya ay Muqdisho ugu qabatay qaar kamid ah maamulada Koonfurta Soomaaliya.

"Haddii aad war-murtiyeedka soo baxayo ku aragtaan dalka waxaa laga qabanayaa doorasho qof iyo cod macnaheedu waa in ay ku darsi sameynayaan," ayuu yiri qof xog-ogaal.

Natiijadan waxaa horey uga digay Puntland iyo Jubaland kuwaas oo sheegay in madaxwayne Xasan Sheekh uu sameynayo dastuur jebin iyo awood-maroorsi.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa bishii hore ka baxay shirkan sabab ku aadan inuu diidey muddo kororsi iyo inuu doonayo doorasho dadban uu maamulkiisa qabsado.

Madaxweynaha ayaa maalmihii uu mucaaradka ahaa waxa uu in xukunka lagu soo joogo sharci daro u aqoonsanaa “nin ilmo ka dhalaya xaas uu furay”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM