Xasan Sheekh oo gaarey Turkiga kahor shirka Abiy Axmed

Image
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Ankara u tagay ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa
Ankara u yimid ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM