Xasan Sheekh oo guddoomay dhambaal uga yimid dhigiisa Shiinaha

Image
Danjiraha cusub ee Wang Yu ayaa maanta waxa uu wareejiyay Warqadaha aqoonsigiisa Safiirnimo.

MUQSISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha usoo magacowgay dalkeenna Wang Yu ayaa ka guddoomay Warqadaha aqoonsigiisa Safiirnimo.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran, waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa mudane Xi Jinping.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM