Xasan Sheekh oo gudoomiye u noqday Isbaheysi looga dhawaaqay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynahihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa si KMG ah loogu doortey Gudoomiyaha Isbaheysiga UPD [Union of Peace and Democracy], kaasi oo ay ku midoobeen 3 Xisbi siyaasadeed..

Xisbiyadda ku midoobey Ishabeysiga UPD ayaa kala ah; Daljir, PDP iyo Kut-ladda Horusocod, kuwaasi oo xubnaha ku jira ay isugu jiraan Xilldhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo.

Midowga Xisbiyada ayaa kusoo beegmaya xili doorashadda 2020-ka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto taaso la sheegay inay tahay mid ay Xisbiyadda ku tartamayaan iyagoo matalaad ku yeelanaya Baarlamaanka.

Xasan Sheekh ayaa xilka sii hayn doona inta laga gaarayo doorashadda guud ee Ishabeysiga, kaasi oo si rasmi ah loogu dooran doono gudoomiyaha xili la filayo inay ku dhawaaqaan murashaxooda doorashada 2020-ka.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khader] ayaa shaaca ka qaadey in dowladda haatan jirta mas'uuliyiinteeda ay sameysan doonan Xisbi, si ay doorashada soo socota ugu loolamaan.

Doorashadda Soomaaliya ee sanadka 2020-ka ayaa la filayaa inay ka duwanaato kuwii hore wadanka uga soo dhacey, inkastoo ay jireen caqabado kala duwan oo arrintaasi hortaagan, oo amniga ugu horeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM