Xasan Sheekh oo hal arrin u xaqiijiyey saraakiisha ciidamadda

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo oo lama filaan ah ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sida laga soo xigtay Villa Soomaaliya, Xasan ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saari doonto howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al -Shabaab.

Madaxweynaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo warbixinno ka dhageystay hoggaannada Ciidamada Xoogga Dalka.

Qalabka isgaarsiinta Xoogga Dalka ayuu kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Sida naf-hurninada leh ee ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda ayuu bogaadiyey. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la wadaagay ciidamada sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeerkiisii ugu horreeyey ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga kaddib dib u doorashadiisa ayaa u kuur galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uuna muujiyey sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin xiriir la leh Qatar oo soo dhoweeyey go’aanka DF Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta

Xilligii uu xilka hayey Madaxweyne Farmaajo, xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta….

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 05:50AM

Soomaaliya oo hakisay heshiisyadii dekedaha, amniga iyo difaaca ee Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen in midnimada qaran ay laf-dhabar u tahay difaaca danaha aasaasiga ah ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:32PM