Xasan Sheekh oo Jarmalka u tagay ka qeybgalka kulan dood dhaliyay

Image
Dadka ka falceliyey kulankan ayaa sheegay in uusan gaarsiisaneyn mansabka madaxwayne.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka ka dib markii uu martiqaad ka helay R/Wasaaraha Jarmalka, Olaf Scholz.

Madaxweynaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra'iisul Wasaaraha dalka Jarmalka Olaf Scholz iyaga oo ka hada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale.

Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka,  oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeenu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arimaha deyn cafinta, la dagaalanka Argagixsada, ku biirista ururka iskaashiga Bariga Afrika.

Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah, waxa uuna safarka Madaxweynahu soo cilinayaq iskaashiga Jarmalka  oo ah dal muhiim u ah  Soomaaliya Taageerada  tooska iyo midda Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM