Xasan Sheekh oo si ka duwan sidii laga filayay uga jawaabay gefkii weynaa ee Trump u geystay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha mudo-xileedkiisa dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jawaabey hadal dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo si weyn ugu gefay dadka Soomaalida ah.

Donald Trump ayaa hadal uu dhowaan jeediyay ku weeraray Soomaalida, isagoo ku sifeeyay dalkoodana: "Soomaaliya waa dalka ugu xun dunida; waa dal aan dastuur lahayn, boolis lahayn, nidaamna lahayn. Waxa keliya ee Soomaaliya ka jira waa dad is eryanaya oo is rasaaseynaya."

Xasan Sheekh Maxamuud: "Horta, anaga Mareykanka dagaal nagalama dhaxeeyo. Madaxweynaha Mareykanka waxay fiicnaan lahayd in la weydiiyo waxa uu Soomaalida ka wado; ma Soomaalida Mareykanka deggan ayuu u jeedaa, mise Soomaalida joogta dalka Soomaaliya?"

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay iyadu u madax-banaan tahay siyaasadeeda gudaha iyo dibaddaba, isagoo caddeeyay in xiriirka labada dowladood uu yahay mid xooggan, wuxuuna yiri: "Dowladda Mareykanka iyadaa u madax-banaan siyaasadeeda. Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka waa uu fiican yahay; way jiraan meelo gaabis uu ka jiro, laakiin Mareykanku wuxuu na siiyaa taageero weyn oo ay ugu horreyso dagaalka argagaxisada."

Haddalka Xasan Sheekh ayaa muujinaya dabacsanaan diblomaasiyadeed, isagoo dhanka kalena difaacay sharafta dadka Soomaaliyeed, xilli dalka uu dhowaan meelmariyay dib-u-eegista dastuurka uuna ku guulaystay dib-u-qaabaynta hay'adaha amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM