Xasan Sheekh oo ka qeybgalay aaska Queen Elizabeth II

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxda caalamka ee tagay duugta boqoradda Ingiriiska.

LONDON, United Kingdom - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxa uu kasoo dhex-muuqdey aaska boqoradda geeriyootay ee Ingiriiska taasoo ka dhacaysa magaala madaxda London.

Hassan Sheikh Mohamud ayaa kamid ah madaxda caalamka ee tagay duugta Queen Elizabeth II. Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali sharaxaad ka bixin sababta uu madaxwaynuhu u tagat aaska.

Dadka baraha bulshadda ka falcelinaya muuqaaladda iyo sawiradda oo aad loo faafiyey ayaa ka faalloonaya "murugada iyo tiiraanyadda gaarka ah" ee ka muuqata hogaamiyaha dalka.

Kadib aaskan, Xasan Sheekh ayaa ku laaban doona magaaladda New York halkaasoo uu kaga qeybgalayo munaasabadda shirka loo-dhan-yahay ee Qaramadda Midoobay.

Aaska kahor, madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay buugga tacsida. Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxay si kooban u tabisay ka qeybgalka Xasan Sheekh ee duugta.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sidoo kale wuxuu kamid yahay madax caalami ah ee ku sugan magaalada London kana qeybgalay aaska boqoradda Ingiriiska.

Hoggaamiyayaasha dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa sidoo kale waxay kamid yihiin tobannaan madaxda dowladaha caalamka ka socda ee kasoo muuqdey aaska. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay London.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM