Xasan Sheekh oo ka qeybgalay aaska Queen Elizabeth II

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxda caalamka ee tagay duugta boqoradda Ingiriiska.

LONDON, United Kingdom - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxa uu kasoo dhex-muuqdey aaska boqoradda geeriyootay ee Ingiriiska taasoo ka dhacaysa magaala madaxda London.

Hassan Sheikh Mohamud ayaa kamid ah madaxda caalamka ee tagay duugta Queen Elizabeth II. Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali sharaxaad ka bixin sababta uu madaxwaynuhu u tagat aaska.

Dadka baraha bulshadda ka falcelinaya muuqaaladda iyo sawiradda oo aad loo faafiyey ayaa ka faalloonaya "murugada iyo tiiraanyadda gaarka ah" ee ka muuqata hogaamiyaha dalka.

Kadib aaskan, Xasan Sheekh ayaa ku laaban doona magaaladda New York halkaasoo uu kaga qeybgalayo munaasabadda shirka loo-dhan-yahay ee Qaramadda Midoobay.

Aaska kahor, madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay buugga tacsida. Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxay si kooban u tabisay ka qeybgalka Xasan Sheekh ee duugta.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sidoo kale wuxuu kamid yahay madax caalami ah ee ku sugan magaalada London kana qeybgalay aaska boqoradda Ingiriiska.

Hoggaamiyayaasha dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa sidoo kale waxay kamid yihiin tobannaan madaxda dowladaha caalamka ka socda ee kasoo muuqdey aaska. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay London.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM