Xasan Sheekh oo khadka telefoonka kula xiriiray Al-Siisi

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa maalin kadib markii TV-ga qaranka Itoobiya uu Villa Soomaaliya Ła xiriiriyey TPLF.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii shalay wuxuu si toos ah khadka telefoonka kula xiriiray dhigiisa Cabdifitaax Saciid Al-Siisi, sidda ay shaaca ka dhigtey Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidda lagu daabacay barta Twitter-ka ee Villa Soomaaliya, labadda hogaamiye ayaa wadahadalkooda diiradda ku saarey "qaabka loo xoojin karo cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah".

"Iyo sidii loosii horumarin lahaa iskaashiga wadajirka ah ee dhinacyada kala duwan si loo gaaro danaha wadaagga ah ee labada dal iyo dadka," ayaa la raaciyey bayaanka oo aan bixin fahfaahin dheeraad ah.

Madaxtooyadda Masar ayaan wali ka hadlin wadahadalkan. Sidoo kale, warbaahinta qaranka dalkaas ayaanan tabin. Ma cadda sababta ay uga gaabsanayaa fahfaahinta wadasheekeysigan.

Lama ogga sababta waqtigan kusoo beegtay wadaxaajoodka telefoonka labada madaxwayne oo magaaladda caasimadda u ah Masaarida ee Qaahira ku kulmay bishii July ee sanadkan 2022.

Intii uu socdey wadahadalkooda Madaxtooyadda Qaahira, labadda madaxwayne ayaa "isla qaatey in Soomaaliya iyo Masar ay isku aragti ka noqdaan qadiyadaha caalamiga ah". Qodobkan wuxuu abuuray buuq.

Is-fahamkan ayaa kusoo aaday iyadda oo Masar iyo Itoobiya ay dhextaalo xiisad ka dhalatay dhismaha biyo-xireenka wabiga Nile ee dowladda Shiinaha ay balaayiin doolar-ka Mareykanka ah ku bixineyso.

Inkasta oo Villa Soomaaliya ay isku-dayday in ay is-fahamkan ku macneyso mowqif dhexdhexaad ah, haddana war-saxaafadeed dambe ayaa lagu xaqiijiyey in Muqdisho ay taageereyso go'aanka Qaahira ee biyo-xireenka.

Masar ayaa u aragta biyo-xireenka in lagu dhiso go'aan hal dhinac ah. Hase ahaatee, Itoobiya ayaa rumeysan in ay u madax-banaan tahay mashaariicdeeda horumarinta. Xiisad gacan-ka-hadal ayaana kusoo dhow.

Wicitaanka Xasan Sheekh ee Al-Siisi ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii telefishina Itoobiya uu faafiyey warbixin ay Villa Soomaaliya la xiriirisay kooxda TPLF wallow Addis Ababa ay iska fogeysay faalladaas "xasaasiga ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM