Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Image

MUQDISHO – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale caddeeyay inuusan ka tanaasuli doonin qorshihiisa ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, xilli ay sii kordhayaan cadaadisyo gudaha iyo dibadda ah oo la xiriira hanaanka doorashooyinka ay diyaarinayso Villa Somalia.

Isagoo ka hadlayay kulan uu Madaxtooyada Qaranka kula yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay inay hore u socoto, isla markaana aysan dib ugu laaban doonin doorashooyinkii dadbanaa iyo nidaamkii ku saleysnaa qeybsiga beelaha ee muddo dheer dalka ka jiray.

“Marnaba lagama tanaasuli karo xuquuqda dastuuriga ah ee ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin inay doortaan hoggaamiyaha ay rabaan, 57 sano kaddib,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu intaas ku daray in doorashooyinkii hore ee aan si buuxda loo dhammaystirin ay dalka ka dhaxalsiiyeen dhibaatooyin badan, kuwaas oo amni darradu ugu horreyso.

Madaxweynaha ayaa ku dooday in doorashooyinkii dadbanaa ay sababeen khilaafaad siyaasadeed oo soo noqnoqday iyo xasillooni darro, isagoo sheegay in doorasho toos ah ay lagama maarmaan u tahay xoojinta dowladnimada iyo soo celinta kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda.

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa, iyagoo ka digay in aan lagu degdegin go’aanno hal dhinac ah oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Qaar ka mid ah isimada ayaa sheegay in hoggaanka dalka uu ku dhisnaado is-afgarad qaran oo ballaaran, isla markaana aan la aqbali doonin tallaabooyin ka hor imanaya mabaadi’dii laga diiday dowladdii hore.

Doodda ku saabsan nooca doorasho ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysatay bilihii u dambeeyay, iyadoo mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada ay shaki ka muujiyeen suurtagalnimada iyo loo dhanyahay doorasho qof iyo cod ah, marka la eego caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee weli jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM