Xasan Sheekh oo ku canaantay Saraakiisha Ciidanka qabashadii Al-Shabaab ee Aadan Yabaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fiidnimadii Sabtidii shalay kulan deg-deg ah isugu yeeray hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, si looga hadlo xaaladda amni ee ka sii dareysa ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray khasaaraha dhawaan ciidamada dowladda kaga soo gaaray dagaallada ka dhacay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno muhiim ah oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ay dib u qabsatay Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha kala hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo howlgalka milatari ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab, isagoo muujiyay walaac weyn oo ku aaddan in kooxdu ay si fudud ugu suurtagashay inay mar kale qabsato saldhigyo muhiim ah.

Sida ay ilo xog ogaal ah sheegeen, madaxweynuhu wuxuu faray taliska Ciidanka Xoogga Dalka in si deg-deg ah loo dejiyo qorsheyaal cusub oo lagu adkeynayo howlgallada milatari, lana xaqiijiyo in la baajiyo khataraha amni ee sii kordhaya, si looga hortago in Al-Shabaab ay sii ballaariso weerarada ay ka geysanayso gobollada bartamaha dalka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan walaacyada ku aaddan dib-u-soo laabashada Al-Shabaab ee deegaanno laga saaray sannadkii hore, taasoo dhabar-jab ku ah dadaallada dowladda ee dib u xoreynta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM