Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Image
Image
Image
Image
Image

Addis Ababa – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed , ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo dalka Itoobiya uga qeyb galaya shirweynaha labaad ee Qaramada Midoobay ee Nidaamka Cunnada Adduunka (UNFSS+4), oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Itoobiya iyo Talyaaniga, laguna qabanayo 27–29 Luulyo 2025.

Kulankan ayaa dhacay iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh si rasmi ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole International Airport, halkaas oo ay ku qaabileen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Temesgen Tiruneh iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Amb. Berhanu Tsegaye.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale farriin soo dhaweyn ah u diray madaxweynaha Soomaaliya, taas oo uu ku daabacay baraha bulshada, isagoo ku bogaadiyay ka qeybgalka shirkan muhiimka ah, isla markaana xusay in Itoobiya sharaf u tahay inay martigeliso hoggaamiyeyaasha Afrika iyo caalamka ee ka qeyb galaya shirkan.

“Waxaan si diirran ugu soo dhoweynayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shirkan muhiimka ah ee looga hadlayo nidaamka cunnada adduunka. Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo dal oo leh xiriir taariikhi ah, mid dhaqan iyo diblumaasiyadeed oo qoto dheer,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy.

Shirka ayaa diiradda lagu saaraya dib u eegista horumarka laga gaaray tan iyo shirkii ugu horreeyay ee 2021, iyadoo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah si loo dhiso nidaamyo cunto oo waara, loo dhan yahay, isla markaana adkeysi leh, xilli dunida ay wajahayo caqabado isbiirsaday sida isbeddelka cimilada, gaajada iyo nafaqo-xumada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirkan, isagoo ka hadli doona xaaladda cunno iyo amni ee Soomaaliya, dadaallada dowladdu ugu jirto xoojinta wax soo saarka gudaha, iyo baahida loo qabo taageero caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

’Faragelinta Israel ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin’: Madaxweynaha Soomaaliya

Somaliland oo ku taal marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1991-kii.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 11:58AM

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gelay Fowdo, Xildhibaano Lagu Caburinayo Hoolka

Dhacdooyinkan ayaa si weyn u kiciyay walaac ku saabsan badqabka wakiillada la doortay, madaxbannaanida Golaha Sharci-dejinta.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 08:57AM