Xasan Sheekh oo London u tagay aaska boqorad Elizabeth II

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib ugu laban doona New York si uu khudbad uga jeediyo shirka UN-ka.

LONDON, United Kingdom - Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu u tagay caasimadda Ingiriiska ee London ka qeybgalka aaska boqorad Elizabeth II.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in duugta kadib uu ku laabto New York si uu khudbad uga jeediyo shirweynaha 77aad ee Golaha Loo-dhan-yahay ee Qaramada Midoobay.

Muuqaal uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa muujinaya Xasan Sheekh oo ay soo dhaweynayaan siyaasiyiin xilal kasoo qabtey xukuumadihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Duugta Elizabeth II ayaa waxaa ay dhaceysaa Isniinta berri ah. Munaasabada aaska waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan hogaamiyeyaal badan oo kamid ah quwadaha aduunka.

Kahor aaska qaran ee berri, dadka caadiga ah ee u baroordiiqaya boqoradda ayaa safafka dhaadheer ugu jira si ay u arkaan naxashka uu ku jiro maydkeeda loo sheegay in waqtigu kasii dhamaanayo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kamid ah madax caalami ah oo Axadda maanta ah ku sugan magaalada London, halkaas oo uu uga qeyb galayo aaska qaran ee Queen Elizabeth II.

Hogaamiyeyaashan ayaa tagay goobta baroordiiqda oo ah hool ku yaalla xarunta Westminister ee Baarlamaanka Ingiriska waxaana ay markaa ka dib lagu wadaa inay ka qaybgalaan soo dhawaynta ninka taajka boqortooyada kala wareegay boqorada geeriyooday ee boqor Charles III.

Hoggaamiyayaasha dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa sidoo kale waxay kamid yihiin tobannaan madaxda dowladaha caalamka ka socda. Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay London.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM