Xasan Sheekh oo mar kale iska diidey la kulanka Abiy Axmed

Image
Sida Garowe Online ogaadey, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu diiday kulanka, waana markii 2aad oo uu diidayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa isku dayay inay dhexdhexaadiyaan kulan ay rabeen inay isagu keenaan Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed magaaladda Beijing, balse waa lagu guuleysan waayay.

Sida Garowe Online ogaadey, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu diiday kulanka, waana markii 2aad oo uu diidayo tan iyo markii xiisadda billaabatay horaantii sanadkan.

Abiy Axmed ayaa dhowr Madaxweyne - Museveni, Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle la sameeyay xiriiro isaga iyo Xasan Sheekh lagu dhex-dhexaadinayo, si kiiska badda loo xaliyo. Ma guuleysan dadaalkiisa, waxaana Itoobiya hadda qorsheynaysa inay hirgeliso heshiiska Somaliland, oo cambaareyn kala kulantay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM