Xasan Sheekh oo Prof Jurile u xushay lataliyaha dimuqraadiyeynta

Image
Wareegto kasoo baxdey Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu magacaabay siyaasigan rug-cadaaga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdirisaaq Cismaan Xasan "Juurile" in uu noqdo Lataliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga.

Porf Juurile ayuu ku tilmaamay shaqsi khibrad iyo aqoon durugsan u leh qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka.

Alle ayuu uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Juurile ayaa horey u soo qabtay xilal Wasiirnimo oo heer Federaal ah, waxa uuna ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladdnimada iyo bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM