Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Francesca Di Mauro, sida lagu sheegay war kasoo baxay Villa Somalia.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada iyo taageerada dadaallada dib-u-dhiska Soomaaliya.

War-saxaafadeedka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Xasan Sheekh iyo safiirka safiirka Midowga Yurub ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo wadatashiyada joogtada ah ee ku saabsan arrimaha ay labada dhinac wadaagaan.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay dood siyaasadeed ka taagan tahay muddo-xileedka dowladda federaalka, iyadoo muddo-xileedka afarta sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku ekaa 15-ka May 2026, isla markaana uu taagan yahay khilaaf xoogan oo mudo-korarsiga iyo doorashadda ku saabsan.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado, oo dalkana ku geliyay degenaansho la'aanta siyaasadeed iyo hubanti la'aanta doorashadda la filayay inay dhacdo bishan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM