Xasan Sheekh oo safar tuhun ku wareegsan yahay ku aadaya Norway

Image
Madaxwaynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ambabaxo Axada berri ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan dalka Norway, sidda uu warsidaha Garowe Online ku helay wararka.

Inta uu ku sugan yahay Denmark, Xasan Sheekh ayaa lagu waddaa inuu wadahadalo la yeesho madaxda waddankaas si uu ugala xaajoodo arrimo ay kamid tahay amniga iyo dhaqaalaha.

Safarkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli su'aallo badan la iska waydiinayaan kharashaadka ay madaxda dowladda kala baxaan khasnada dowladda marka ay safaradda galayaan.

Sidda ay wararku sheegayaan, Xasan Sheekh ayaa la baxay aduun dhan 95.000$ iyadda oo la ogyahay kharashka wafdiga madaxweynaha ay badiba bixinayso dawladda martida loo yahay.

Socdaalkan ayaa qaadan dooono kaliya muddo labo maalmood ah waxaana la is-waydiinayaan halka lagu bixinayo kharashaadka kale ee dheeraad ah ee wafdiga madaxweynaah uu qaatay.

Dhanka kale, ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa khasnadda dowladda kala baxay lacag dhan 100.000$, taas oo lagu diiwaan geliyey sahay safar ou ku qaadey waddanka Koonfurta Korea.

Hab-dhaqanka madaxda dalka ee la xiriirta isticmaalka kharashaadka xad-dhaafka ah ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli xaalada dhaqaalaha dalka ay liidato ayna mushahar la'aan yihiin shaqaale badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM