Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshaha dowladiisa ee Jubada Dhexe

Image
Gobolkan hoostaga Jubaland waa kan kaliya ee Al-Shabaab ay si buuxda u maamusho guud ahaan Soomaaliya.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guulo ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab kadib dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay bartamaha dalka oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya maleeshiyo beeleedyo deegaanka iyo Al-Shabaab.

"Waxaan aragnaa dardar xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab, waxaana rabnaa inaan sii wadno si aan uga adkaano koox caddaysatay inay caburiso dadka iyo [maafiyada] oo ku heshay madaxbannaani dhaqaale caga-jugleyn iyo dilka dad aan waxba galabsan," Maxamuud ayaa yiri.

Khudbad uu Jimcihii u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayuu ku sheegay in dowladdiisu ay abaabul xooggan ka wado deegaannada maamulka Jubbaland ee koonfurta Soomaaliya.

“Waxaa socda diyaar garow la doonayo in Al-shabaab looga xoreeyo gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, oo ah gobolka keliya ee dalka ka tirsan oo ay malleeshiyada ka taliyaan gabi ahaantooda,” ayuu yiri Maxamuud.

Waxa uu sheegay in qaabka cusub ee Dowladiisa ay ka faa'iideysaneyso iska caabinta maleeshiyo beeleedka deegaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab kana socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

“Mar haddii ay u adkeysan waayeen handadaada, baada iyo afduubka caruurtooda, hadda qaar ka mid ah beelaha deegaanka ayaa sheegaya in ay bilaabeen la dagaalanka Al-Shabaab, sidaas darteed waxaan rabnaa in aan taageerno dadkeena si ay nabad iyo sharaf ugu noolaadaan," ayuu raaciyey.

Sabtidii, saacado kadib khudbaddii madaxweynaha ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, ayaa ciidanka qaranka waxa ay sheegeen in ay 43 dagaalameyaal ku dileen bartamaha Soomaaliya.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen tuulada Aboorey, waxaana ay kala wareegeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ku dilay 43-dagaalameyaal,” ayuu yiri S/guuto Maxamed Tahliil Biixi oo ah taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda dowladda.

Aboorey ayaa 25 KM dhanka Bari kaga beegan degmada Buulaburte oo 220 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in Ciidanka ay ku dileen ugu yaraan 18 ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Buq Aqable ee isla Gobolkaasi, oo qiyaastii 90-KM dhanka Koonfureed kaga beegan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Al-Shabaab ciidamada oo ay taageerayaan dadka deegaanka ay ku dileen in ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab ayna ka xoreeyeen 20 tuulo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida. Xoogaga hubeysan ayaan wali ka hadlin sheegashadda dowladda federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM