Xasan Sheekh oo sharaxay ujeedka safarkiisa Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image
Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diirran ugu dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Khamiista maanta ah wuxuu gaaray magaaladda Dhuusamareeb.

Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diirran ugu dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, masuuliyiin Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. 

Xasan Sheekh ayaa Galmudug u tegay si uu uga miro-dhaliyo qorshihiisa ku aaddan Soomaali heshiis ah, taas oo aas-aas u ah hirgelinta dib u heshiisiin dhab ah, mideynta shacabka Soomaaliyeed iyo xorreynta dalka.

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, madaxweynaha ayaa muujiyey in uu u kuur-gelayo xaaladaha nololeed ee ka jira Galmudug, si dowladda federaalka ah ay doorkeeda uga qaadato horumarinta deegaanka iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha.

“Dhulka Galmudug ay ka kooban tahay in badan ayaa xor ah, in yarna cadowga Alshabaab ayaa ku harsan, waana u taagan yihiin reer Galmudug in ay xoreeyaan dhulkaas oo maalin walba waxay cadowgaas kula jiraan dagaal, anaguna waxaan ku garab istaagaynaa sidii ay cadowgaas muddada dheer ku daahay isaga xoreyn lahaayeen, taasina waxay ku suurta gelaysaa inanga oo midowna, qalbiyadana isu furna," ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Villa Soomaaliya ayaa tibaaxdey in Xasan Sheekh Maxamuud uu dhageysan doono baahiyaha nololeed iyo amni ee ay qabaan dadka ku dhaqan deegaannada hoostaga Dowlad Goboleedka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM