Xasan Sheekh oo sharaxay ujeedka safarkiisa Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image
Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diirran ugu dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Khamiista maanta ah wuxuu gaaray magaaladda Dhuusamareeb.

Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diirran ugu dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, masuuliyiin Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. 

Xasan Sheekh ayaa Galmudug u tegay si uu uga miro-dhaliyo qorshihiisa ku aaddan Soomaali heshiis ah, taas oo aas-aas u ah hirgelinta dib u heshiisiin dhab ah, mideynta shacabka Soomaaliyeed iyo xorreynta dalka.

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, madaxweynaha ayaa muujiyey in uu u kuur-gelayo xaaladaha nololeed ee ka jira Galmudug, si dowladda federaalka ah ay doorkeeda uga qaadato horumarinta deegaanka iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha.

“Dhulka Galmudug ay ka kooban tahay in badan ayaa xor ah, in yarna cadowga Alshabaab ayaa ku harsan, waana u taagan yihiin reer Galmudug in ay xoreeyaan dhulkaas oo maalin walba waxay cadowgaas kula jiraan dagaal, anaguna waxaan ku garab istaagaynaa sidii ay cadowgaas muddada dheer ku daahay isaga xoreyn lahaayeen, taasina waxay ku suurta gelaysaa inanga oo midowna, qalbiyadana isu furna," ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Villa Soomaaliya ayaa tibaaxdey in Xasan Sheekh Maxamuud uu dhageysan doono baahiyaha nololeed iyo amni ee ay qabaan dadka ku dhaqan deegaannada hoostaga Dowlad Goboleedka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM