Xasan Sheekh oo Shuruud ku xiray mar 3aad inuu u tartamo xilka Madaxweynaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu qiimeynayo xaaladda amniga kahor inta uusan shaacin inuu mar 3aad isku soo sharaxayo xilka Madaxweynaha iyo inkale xili khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay isbedelka uu ku sameeyay qodobo kamid ah dastuurka Soomaaliya.

Wuxuu ku sheegay wareysi uu bixiyay in hadda ka shaqeynayo amniga iyo nidaamka doorashadda qof iyo cod, islamarkaana go'aan qaadan doono hadii qorshihiisa u hirgelo, iyadoo lagu xisaamtamayo fulinta balan-qaadkii doorashadda ku galay 2022.

Amniga dalka ma ahan sida la ogyahay mid suurta-gal ka dhigaya inay guud ahaan gobollada doorashooyin ka dhacaan oo dadweynaha codkooda dhiibtaan, waxaana u badan tahay in Teendhada dib loogu laaban doono, marka ay riyada Xasan Sheekh run noqon wayso.

Doorashadda waxaa la filayaa inay May 2026 dhacdo, iyadoo mudo-korarsi dhici karo, maadaama looga bartay inta badan Madaxda dalka inay xilka wareejiyaan marka waqtooda dhaco. Laakiin, mucaaradka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay mudo-korarsi sharci-darro ah.

Marka la eego xadiga khilaafka siyaasadda iyo kala qeybsanaanta ka jirta dalka oo ay dheertahay khatarta Al-Shabaab, dowladda Federaalka oo sanad u haray waxaysan hirgelin karin doorasho qof iyo cod ah. Muqdisho kaliya ayaa la sheegay inay macquul tahay in dadweyne ka codeeyaan, maadaama dowladda 100% xukunto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM