Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Image

Muqdisho — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la bilaabo wadahadal wax-ku-ool ah si xal loogu helo khilaafka ka taagan biyo-xireenka Webiga Niil ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar, isagoo xusay in iskaashi iyo is-afgarad ay yihiin furaha xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay telefishanka Al-Arabiya ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay wadahadal nabadeed oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso. Wuxuu intaas ku daray in khilaafka uusan noqonin mid abuura kala qaybsanaan, balse uu noqon karo fursad lagu dhiso iskaashi waara oo ay ku wada faa’iideystaan dhammaan dalalka ku tiirsan khayraadka Webiga Niil.

“Webiga Niil waa il muhiim ah oo dalal badan noloshooda ku tiirsan yihiin. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la xalliyo khilaafaadka jira iyadoo la adeegsanayo wadahadal iyo tanaasul, halkii laga adeegsan lahaa cadaadis ama is-eedeyn,” ayuu yiri madaxweynaha.

Biyo-xireenka GERD

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ah kan ugu weyn Afrika, kuna yaalla faraca Webiga Niil. Mashruucan oo lagu bixiyay $5 bilyan ayaa la filayaa inuu koronto siin doono malaayiin Itoobiyaan ah, balse sidoo kale wuxuu sare u qaaday khilaafka muddada dheer ka taagnaa biyaha Niil ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

Itoobiya oo leh dad gaaraya 120 milyan, ahna dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, waxay u aragtaa biyo-xireenka GERD inuu yahay mashruuc muhiim u ah koboca dhaqaale ee dalka. Dhanka kale, Masar oo 90% biyaha ay isticmaasho ka hesha Webiga Niil ayaa muujisay walaac xooggan, iyadoo sheegtay in mashruucani uu halis ku yahay sahaydeeda biyaha.

Dib-u-eegid Taariikheed iyo Saaxiibtinimada Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in xiriirka Soomaaliya la leedahay Itoobiya uusan waxba yeelayn saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ay la wadaagto Masar. Wuxuu xusay in Soomaaliya iyo Masar ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo muddo dheer ka horreeyay xornimada Soomaaliya, isagoo xusuusiyay taageeradii Soomaaliya ay u muujisay Masar xilligii muranka Kanaalka Suweys iyo hoggaamiyihii Masar Gamal Abdel Nasser.

“Waxaan nahay laba dal oo saaxiibo istiraatiiji ah, xiriirkeennu ma ahan mid cusub, balse waa mid dhaxal-gal ah oo sii xoogeysanaya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM