Xasan Sheekh oo telefoonka kula xiriiray Amiirka Qadar

Image
Labada hogaamiye ayaa "kawada hadlay cilaaqaadka iyo qaababka loosii xoojin karo".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, sidda ay baahisay wakaaladda wararka xukuumadda Dooxa.

Balse ma bixin tafaasiil ku saabsan qodobada ay kawada hadleen. Wadaxaajoodkan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay dagaal ba'an kula jirto maleyshiyaadka Al-Shabaab ayna taageero u goobeyso gulufkan.

Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya oo qoraal kooban soo saartay ayaa xaqiijisay in Xasan Sheekh uu khadka telefoonka kula hadlay ayna kawada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee labada dhinac.

"Mudane Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani si a uga wada xaajoodaan xiriirka labada geesoodka ah iyo sidii loo xoojin lahaa," ayay tabisay.

Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu waday olole uu taageero ugu raadinayo dagaalka uu iclaamiyey ee ka dhanka ah xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Howlgaladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo dadka degaanka ayaa lagu dilay in ka badan 150 xubnood Al-Shabaab ah, sidda ay shaacisay dowlada federaalka.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta, dagaalameyaashan waxaa kamid ah horjoogeyaal hase ahaatee ma aysan bixin sharaxaad ku saabsan magacyadooda iyo goobaha.

Bayaankan oo ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa la raaciyey in 17 kamid ah maleyshiyaadkan lagu khaarijiyey howlgal xalay ka dhacay degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Howlgalkaan oo ay qorsheysay Hay’adda Nabad Sugigada iyo Sirdoonka Qaranka oo xalay dhacay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada oo isku aruursanayay deegaanno hoos yimaada tuulada Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe," ayaa la raaciyey qoraalka.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha ay joogitaanka ugu badan ku leeyihiin maleyshiyaadka Al-Shabaab balse muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku socdey duqeymo dhanka dhulka iyo cirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM