Xasan Sheekh oo tilmaamay iskaashi gaar uu la leeyahay Jabuuti

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay kulan uu la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iskaashi diblomaasiyadeed, iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya, iskaashigaas ayuu tibaaxay inuu Gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa Guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa shacabka iyo dowlad uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM