Xasan Sheekh oo Turkiga u saxiixay inuu yeesho 90% Dakhliga Shidaalka Soomaaliya

Image

ISTANBUL — Turkiga ayaa helaya ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa sahminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga soo saaro xeebaha Soomaaliya, sida ku cad nuqulkii ugu horreeyay ee heshiiska labada dal oo hadda si rasmi ah loo helay.

Heshiiska, oo ay daabacday Nordic Monitor, ayaa u oggolaanaya shirkad Turkiga laga leeyahay inay ka fuliso sahamin iyo soo saarid badda Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay heli doonto kaliya 5% dakhliga guud ee kasoo baxa kheyraadkaas.

Dukumintiga ayaa muujinaya in Turkiga uu bixin doono kharashaadka sahminta iyo qalabeynta, halka Soomaaliya ay noqon doonto la-hawlgalaha rasmiga ah ee howsha.

Sida ku cad qodobka 4.7 ee heshiiska, Turkigu wuxuu xaq u leeyahay ilaa 90% batroolka iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya sannad walba iyadoo loo marayo nidaamka "cost petroleum," kaasoo u oggolaanaya shirkadda Turkiga inay marka hore bixiso kharashaadka sahminta iyo soo saarista kahor inta aan la qaybsan faa'iidada.

Si kastaba ha ahaatee, saamiga dakhliga ee heshiiskan ayaa dhaliyay muran xooggan oo ku saabsan cadaaladda heshiiska. Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta heshiiska, iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu hore u ansixiyey heshiiska laakiin aysan arkin nuqulka rasmiga ah.

Diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal dhaqaalaha ayaa ka digay in heshiiskaan uu halis ugu jiro mustaqbalka dhaqaalaha dalka haddii aan dib-u-eegis lagu sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM