Xasan Sheekh oo Turkiga u saxiixay inuu yeesho 90% Dakhliga Shidaalka Soomaaliya

Image

ISTANBUL — Turkiga ayaa helaya ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa sahminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga soo saaro xeebaha Soomaaliya, sida ku cad nuqulkii ugu horreeyay ee heshiiska labada dal oo hadda si rasmi ah loo helay.

Heshiiska, oo ay daabacday Nordic Monitor, ayaa u oggolaanaya shirkad Turkiga laga leeyahay inay ka fuliso sahamin iyo soo saarid badda Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay heli doonto kaliya 5% dakhliga guud ee kasoo baxa kheyraadkaas.

Dukumintiga ayaa muujinaya in Turkiga uu bixin doono kharashaadka sahminta iyo qalabeynta, halka Soomaaliya ay noqon doonto la-hawlgalaha rasmiga ah ee howsha.

Sida ku cad qodobka 4.7 ee heshiiska, Turkigu wuxuu xaq u leeyahay ilaa 90% batroolka iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya sannad walba iyadoo loo marayo nidaamka "cost petroleum," kaasoo u oggolaanaya shirkadda Turkiga inay marka hore bixiso kharashaadka sahminta iyo soo saarista kahor inta aan la qaybsan faa'iidada.

Si kastaba ha ahaatee, saamiga dakhliga ee heshiiskan ayaa dhaliyay muran xooggan oo ku saabsan cadaaladda heshiiska. Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta heshiiska, iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu hore u ansixiyey heshiiska laakiin aysan arkin nuqulka rasmiga ah.

Diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal dhaqaalaha ayaa ka digay in heshiiskaan uu halis ugu jiro mustaqbalka dhaqaalaha dalka haddii aan dib-u-eegis lagu sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM